Posts
Showing posts from October, 2022
MAXAD KA TAQQANAA GEEDKA LAYIDHAA《LABIGA 》?
- Get link
- X
- Other Apps
LEBI Delonix elata, البونسينا . Wuxuu ka mid yahay dhirta waaweyn ee geyigeenna dhawr iyo taban mitir ayuu dhererkiisu gaadhaa, waa ubaxle wuxuu ku jiraa dhirta Geelu jecel yahay Koorahana looga qoro. Geelu Lebi ku ladanaa Koor looga gooyaa Kaambuli ka daaqyaa Kurayguna u fuulyaa. "Sida Lebiga Hawdoo Laamihii ka hawreen Ama muuqa luulkiyo Ubaax laacayaad tahay." – Nuux warsame Geeddi “Laan daaqa Geeluba Lebigii jarka u dhow Intuu laac isleeyahay Saw loolli kama dhaco." – Xasan Ganey "Sida laama labiyoo Lool sarre ku yaalloo Layadhu ay lulaysoo Ubaxuna ku ladhan yoo Laalaado faraq yada Lulubha mankiiyoo Libasha udgoonbaa Lahashada tiraysoo Labi looli kuma jiro -Abwaan_caydaruus_oday WQ: Abwaan caydaruus oday
SUUGAANTA GEELA MAXAAD KA TAQAANAA?
- Get link
- X
- Other Apps
@ HIDO KAAB 1O SUUGAANTA GEELA IYO HAL ABUURADII SIDA WAYN UGA HADLAY QIIMAHA GEELU LEEYAHAY 🐪🐪 SUUGAANTA GEELA Waa dhagax nafloo hayjaddaa dhigay Ilaaheey'e Dhadhaab adag haddaanu ka bixin laguma dhaarteene Waa dhabarka seedaha ku yaal sidigta¹ Dhaameele Wax kaloo ku dhaafaba rag ways kaga dhaqaaqaaye Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele. ~ Cumar Istireeliya Ninkaan shiriyo heemaal lahayn sharaf ka dheeraaye Karuur shaw leh caanaha shamaal looma soo shubo’e Shacabkana ma dhaafo oo badduu shabag ku tuuraaye Shuqulka gaalka kama maarmo oo shaahu kariyaaye. ~ Cali-dhuux aadan gorayo Adhi iyo lo'baa lagu baxshaa aano ku timide Aar-laaga geela ah naftaa lagu ilaashaaye Koley Aabbahaa tahay nin kale looma Aammino'e. ~ Axmed-dirir nuur aadan Idinbacasa² awrkay dhashiyo aarankay wadatay Asaxaabihii horeba way ku intifaaceene Aakhiro nimaan geel lahayn lama ammaanayne. ~ Cabdi gahayr Bilaash iyo ciyaar laguma helo bogiyo heemaale Nimaan dhabarka baaruud ku xidhan b...