MAXAD KA TAQQANAA GEEDKA LAYIDHAA《LABIGA 》?

 LEBI

Delonix elata, البونسينا.



Wuxuu ka mid yahay dhirta waaweyn ee geyigeenna dhawr iyo taban mitir ayuu dhererkiisu gaadhaa, waa ubaxle wuxuu ku jiraa dhirta Geelu jecel yahay Koorahana looga qoro.


Geelu Lebi ku ladanaa

Koor looga gooyaa

Kaambuli ka daaqyaa

Kurayguna u fuulyaa.


"Sida Lebiga Hawdoo

Laamihii ka hawreen

Ama muuqa luulkiyo

Ubaax laacayaad tahay."

 – Nuux warsame Geeddi


“Laan daaqa Geeluba 

  Lebigii jarka u dhow 

  Intuu laac isleeyahay 

  Saw loolli kama dhaco."

 – Xasan Ganey


"Sida laama labiyoo 

Lool sarre ku yaalloo 

Layadhu ay lulaysoo

Ubaxuna ku ladhan yoo

Laalaado faraq yada 

Lulubha mankiiyoo 

Libasha udgoonbaa

Lahashada tiraysoo

Labi looli kuma jiro

-Abwaan_caydaruus_oday


WQ: Abwaan caydaruus oday

Comments

Popular posts from this blog

♤ DIGNIIN CAAFIMAAD OO KU SOCOTA DADKA XOOLO DHAQATADA AH ♤