Posts

♤ DIGNIIN CAAFIMAAD OO KU SOCOTA DADKA XOOLO DHAQATADA AH ♤

Image
  ♤ DIGNIIN CAAFIMAAD ♤ Waxaa dilaacay xanuun dilaa ah oo laynaya geela kuna fiday meela badan oo ka mida dhulka soomalidu dagto Waxaan kula talinayaa dad ka xoolo dhaqatada ah Inay ku baraarug sanaadaan khatarta naf iyo maal Ee ka dhalan karta xanuunkan dilaacay, waa in laga feejignaadaa neefka uu xanuunkani hayo in la qasho ama la maalo taasi waxay halis galin kartaa nolosha bini aadamka, Waana in neefka xanuunkan looga shakiyo laga karantiilaa xoolaha intooda kale ee caafimaadka qabta  si khatarka cudurkan loo yareeyo insha allah, #abwaan Caydaruus Oday ✍️✍️✍️

XANUUN DILAA AH OO KA DILAACAY DHULKA HAWDKA SARE GEELANA DABAR GOYNAYA

Image
 #DIGNIIN  Waxaan kutalinayaaa dadka xoolodhaqatada ah ee ku nool  deegaanada uu soo gaadhay xanuunkan dilaaga ah ee Ku dhacaya Geela  Inay ka feejignaadaan dhibaatada uu u gaysan karo xanuunkani nolo aadamaha  Haddi neefka uu hayo xanuunkani ay Qashaan oo ay isticmaalaan hilibkiisa  Ama caanahiisaba, Waxa loo baahan yahay in lagu baaraarug sanaado saamaynta cudurkan dilaaga ah  Waa  in neefka uu xanuunkani soo rito laga karantiilaa xoolaha intooda kale ee  Caafimaadka Qabta si loo yareeyo fidi taanka xanuunkan, Sidaan ka war Qabno xanuunkani wuxuu u fidayaa si xawli ah oo xawaare badan  Taasna waxa koos garaynaya xanuunkani waxa gudbinaya hawada  Inkasta oo aan wali wax macluumaada laga helin nooca cudurkan haddana  Waxaanka daree maynaa sida uu ugu sii baahayo deegaanada kale ee somalidu dagto  Waxaana loo baahan yahay inay dadka deegaanada uu cudurkani gaadhay dagani  Inay ka taxadaraan dhibaatada ka dhalankarta in...

#WARBIXIN KU SAABSAN ( XANUUN KA DILAACAY DHULKA HAWDKA OO LAYNAYA GEELA )

Image
Xoolihii noolaa ee geela ahaa waxaa kusoo kordhay xanuun beer xanuun ah  iyo qandho wada socda neefkuna sadex maalin ka dib wuu baqtiyayaa, Waxaanu si ba,an geelu ugu dhintay Gobolada hawdka sare ee dawlad degaanka Somalida , waxaa dhintay kumanaan Geel iyo adhi ah, xanuunka wuxuu si gaar ah u bartilmaansanayaa geela magaynada ahaa sida Awrta geela rimaydaa  iyo Geela dhalay oo uu laynayo. #CALAAMADAHA_XANUUNKAN oo ka kooban dhawr nooc ayaa waxa ka mida  1) Neef ka oo sanka iyo labada dhagood dhiig ka imanayo mudo yar ka dibna dhimanaya  2)neefka uu xanuunkani hayaa aad ayuu u suuqmayaa daaqana wuu joojinayaa wuu il gabdhayaa mudo dhawr ceshaa markuu hayana neefku waa uu indho beelayaa kadibna wuu dhimanayaa  3) xanùnkani markuu geela kiisa rimaydaa ku dhaco marka hore ilmahuu tuurayaa ama wuu cabaad dheeraynayaa  4) xanuunkani wuxuu ba,an u laynayaa nirgaha yar yar oo siday u joogaan uun bakhtiya ya iyaguna   Xanuunku wuxuu kasoo fidaya hawdka...

Xafladii CARWADA BANDHIGA BUUGAAGTA EE HARGEISA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa qasriga madaxtooyada casho Sharaf ugu sameeyey martida caalamiga ah ee sannadkan ka qaybgelaysa carwada caalamiga ah ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa ee Sabtida BerriFurmaya.

GABAYGII CALOOLYOW ABWAAN CAYDARUUS ODAY

Image

MAXAD KA TAQQANAA GEEDKA LAYIDHAA《LABIGA 》?

Image
  LEBI Delonix elata, البونسينا . Wuxuu ka mid yahay dhirta waaweyn ee geyigeenna dhawr iyo taban mitir ayuu dhererkiisu gaadhaa, waa ubaxle wuxuu ku jiraa dhirta Geelu jecel yahay Koorahana looga qoro. Geelu Lebi ku ladanaa Koor looga gooyaa Kaambuli ka daaqyaa Kurayguna u fuulyaa. "Sida Lebiga Hawdoo Laamihii ka hawreen Ama muuqa luulkiyo Ubaax laacayaad tahay."  – Nuux warsame Geeddi “Laan daaqa Geeluba    Lebigii jarka u dhow    Intuu laac isleeyahay    Saw loolli kama dhaco."  – Xasan Ganey "Sida laama labiyoo  Lool sarre ku yaalloo  Layadhu ay lulaysoo Ubaxuna ku ladhan yoo Laalaado faraq yada  Lulubha mankiiyoo  Libasha udgoonbaa Lahashada tiraysoo Labi looli kuma jiro -Abwaan_caydaruus_oday WQ: Abwaan caydaruus oday

SUUGAANTA GEELA MAXAAD KA TAQAANAA?

Image
@ HIDO KAAB 1O  SUUGAANTA GEELA IYO HAL ABUURADII SIDA WAYN UGA HADLAY QIIMAHA GEELU LEEYAHAY 🐪🐪 SUUGAANTA GEELA  Waa dhagax nafloo hayjaddaa dhigay Ilaaheey'e Dhadhaab adag haddaanu ka bixin laguma dhaarteene Waa dhabarka seedaha ku yaal sidigta¹ Dhaameele Wax kaloo ku dhaafaba rag ways kaga dhaqaaqaaye Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele. ~ Cumar Istireeliya Ninkaan shiriyo heemaal lahayn sharaf ka dheeraaye Karuur shaw leh caanaha shamaal looma soo shubo’e Shacabkana ma dhaafo oo badduu shabag ku tuuraaye Shuqulka gaalka kama maarmo oo shaahu kariyaaye. ~ Cali-dhuux aadan gorayo Adhi iyo lo'baa lagu baxshaa aano ku timide  Aar-laaga geela ah naftaa lagu ilaashaaye Koley Aabbahaa tahay nin kale looma Aammino'e. ~ Axmed-dirir nuur aadan Idinbacasa² awrkay dhashiyo aarankay wadatay Asaxaabihii horeba way ku intifaaceene Aakhiro nimaan geel lahayn lama ammaanayne. ~ Cabdi gahayr Bilaash iyo ciyaar laguma helo bogiyo heemaale Nimaan dhabarka baaruud ku xidhan b...