#WARBIXIN KU SAABSAN ( XANUUN KA DILAACAY DHULKA HAWDKA OO LAYNAYA GEELA )






Xoolihii noolaa ee geela ahaa waxaa kusoo kordhay xanuun beer xanuun ah  iyo qandho wada socda neefkuna sadex maalin ka dib wuu baqtiyayaa,

Waxaanu si ba,an geelu ugu dhintay Gobolada hawdka sare ee dawlad degaanka Somalida ,

waxaa dhintay kumanaan Geel iyo adhi ah, xanuunka wuxuu si gaar ah u bartilmaansanayaa geela magaynada ahaa sida Awrta geela rimaydaa  iyo Geela dhalay oo uu laynayo.


#CALAAMADAHA_XANUUNKAN oo ka kooban dhawr nooc ayaa waxa ka mida 


1) Neef ka oo sanka iyo labada dhagood dhiig ka imanayo mudo yar ka dibna dhimanaya 

2)neefka uu xanuunkani hayaa aad ayuu u suuqmayaa daaqana wuu joojinayaa wuu il gabdhayaa mudo dhawr ceshaa markuu hayana neefku waa uu indho beelayaa kadibna wuu dhimanayaa 

3) xanùnkani markuu geela kiisa rimaydaa ku dhaco marka hore ilmahuu tuurayaa ama wuu cabaad dheeraynayaa 

4) xanuunkani wuxuu ba,an u laynayaa nirgaha yar yar oo siday u joogaan uun bakhtiya ya iyaguna  


Xanuunku wuxuu kasoo fidaya hawdka 

sare degaanka Somalida waxaana lasoo warinayaa inuu ku fiday meelo baddan oo ka mida dhulka soomalidu dagto 

Xanuun kan waxa gudbinaysa hawadda 

Waxaana laga dareemayaa sida xawliga ah ee uu ugu fiday dhulkaa baaxda leh ee xanuunkani saameeyay ,

ciladaha aan soo arkay ee caqabada ku ah geela in la badbaadiyo waxaa kamid ah dadka reer baadiyaha ah oo aan aqoon u lahayn in geela la daaweeyo iyagoo dhex taagtaagan ayuu geelii ku dul bakhtinayaa marka laga reebo qolyaha caano teelada oo geela daaweeya,


waxaan ku talin lahaa qofkasta oo geel haysta ama qaraabo la ah geel dhaqato haka qayb qaato badbaadinta geela oo sii le'anaya,

Waxaa loo baahanyahay hayadaha ku shaqada leh iyo Wasaaraddaha xanaanada xooluhu inay si dag dag ah ugu gurmato 

Xoolahan dabar go,aya iyo dadkaa caydhoobaya 

Waana inay inta hadhay uun bad baadiyaan 


Dadkaa xoolo dhaqatada ahna waxaa loga baahan yahay inay feejignaadaan oo neefka buka ka karantiilaan xòolaha intooda kale ee caafimaadka qabta 

Si loo yareeyo fidi taanka xanuunkan dilaaga ah ee Duunyadii dhamaynaya .



#Abwaan_Caydaruus_oday ✍️✍️✍️

Comments

Popular posts from this blog

MAXAD KA TAQQANAA GEEDKA LAYIDHAA《LABIGA 》?

♤ DIGNIIN CAAFIMAAD OO KU SOCOTA DADKA XOOLO DHAQATADA AH ♤