♤ DIGNIIN CAAFIMAAD OO KU SOCOTA DADKA XOOLO DHAQATADA AH ♤

 ♤ DIGNIIN CAAFIMAAD ♤





Waxaa dilaacay xanuun dilaa ah oo laynaya geela
kuna fiday meela badan oo ka mida dhulka soomalidu dagto
Waxaan kula talinayaa dad ka xoolo dhaqatada ah
Inay ku baraarug sanaadaan khatarta naf iyo maal
Ee ka dhalan karta xanuunkan dilaacay,

waa in laga feejignaadaa neefka uu xanuunkani hayo in la qasho
ama la maalo taasi waxay halis galin kartaa nolosha bini aadamka,
Waana in neefka xanuunkan looga shakiyo laga karantiilaa
xoolaha intooda kale ee caafimaadka qabta 
si khatarka cudurkan loo yareeyo insha allah,

#abwaan Caydaruus Oday ✍️✍️✍️


Comments

Popular posts from this blog

MAXAD KA TAQQANAA GEEDKA LAYIDHAA《LABIGA 》?