MAXAD KA TAQQANAA GEEDKA LAYIDHAA《LABIGA 》?
LEBI Delonix elata, البونسينا . Wuxuu ka mid yahay dhirta waaweyn ee geyigeenna dhawr iyo taban mitir ayuu dhererkiisu gaadhaa, waa ubaxle wuxuu ku jiraa dhirta Geelu jecel yahay Koorahana looga qoro. Geelu Lebi ku ladanaa Koor looga gooyaa Kaambuli ka daaqyaa Kurayguna u fuulyaa. "Sida Lebiga Hawdoo Laamihii ka hawreen Ama muuqa luulkiyo Ubaax laacayaad tahay." – Nuux warsame Geeddi “Laan daaqa Geeluba Lebigii jarka u dhow Intuu laac isleeyahay Saw loolli kama dhaco." – Xasan Ganey "Sida laama labiyoo Lool sarre ku yaalloo Layadhu ay lulaysoo Ubaxuna ku ladhan yoo Laalaado faraq yada Lulubha mankiiyoo Libasha udgoonbaa Lahashada tiraysoo Labi looli kuma jiro -Abwaan_caydaruus_oday WQ: Abwaan caydaruus oday
Allahayow casiis baadtahee caawi samahaaga
ReplyDelete