SUUGAANTA GEELA MAXAAD KA TAQAANAA?

@HIDO KAAB 1O 

SUUGAANTA GEELA IYO HAL ABUURADII SIDA WAYN UGA HADLAY QIIMAHA GEELU LEEYAHAY 🐪🐪



SUUGAANTA GEELA 

Waa dhagax nafloo hayjaddaa dhigay Ilaaheey'e

Dhadhaab adag haddaanu ka bixin laguma dhaarteene

Waa dhabarka seedaha ku yaal sidigta¹ Dhaameele

Wax kaloo ku dhaafaba rag ways kaga dhaqaaqaaye

Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele.


~ Cumar Istireeliya


Ninkaan shiriyo heemaal lahayn sharaf ka dheeraaye

Karuur shaw leh caanaha shamaal looma soo shubo’e

Shacabkana ma dhaafo oo badduu shabag ku tuuraaye

Shuqulka gaalka kama maarmo oo shaahu kariyaaye.


~ Cali-dhuux aadan gorayo


Adhi iyo lo'baa lagu baxshaa aano ku timide 

Aar-laaga geela ah naftaa lagu ilaashaaye

Koley Aabbahaa tahay nin kale looma Aammino'e.


~ Axmed-dirir nuur aadan


Idinbacasa² awrkay dhashiyo aarankay wadatay

Asaxaabihii horeba way ku intifaaceene

Aakhiro nimaan geel lahayn lama ammaanayne.


~ Cabdi gahayr


Bilaash iyo ciyaar laguma helo bogiyo heemaale

Nimaan dhabarka baaruud ku xidhan baar ma foofsado'e


~ Cabdi galayax


Badda jiidhayaa iyo berriga jaanta mariyaaba               

Wallee geel jacaylkaan u qabo wow jirrabi ruuxa.


~ Aaban xasan-deri


Xidid kuugu roon iyo walaal ku xiga mooyaane

Xakawdaadu waagay go’dee lagu xabaalaayo

Xawadaada wiilkii ahaa ku xusi maayaane

Xisaab li’i ragoow yuu ku bixin geel xaqii culuse.


~ abwaan_caydaruus_oday


Geeslayda iyo adhigu waa  Gurun gurshoodkiiye 

Oo intuu gugii dooganyay Gaaxda badiyaane

Hadii gaase jiilaal dhacana Waa gadaan mashane

Xoolana ninkii geela baa  Caydhka gaabsada,e 

Oo guunya uun lama dhaqdee  Mudanku waa geela


#Abwaan_caydaruus_oday ✍✍✍

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

MAXAD KA TAQQANAA GEEDKA LAYIDHAA《LABIGA 》?

♤ DIGNIIN CAAFIMAAD OO KU SOCOTA DADKA XOOLO DHAQATADA AH ♤